
Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafkaadka doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga oo ka kooban 5 Xubnood ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland Dr Siyaad Maxamed Mursal iyo xubno ka tirsan Guddiga.
Xubnaha Guddiga xalinta khilafaadka doorashada Soomaaliya ayaa goob joog u noqon doona doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ee lagu wado in ay maalinta barito ah ka qabsoonto Magaalada Kismaayo.
Afhayeenka guddiga xalinta Khilaafaadka doorashada ayaa sheegay in ku dadaali doonaan inay si cadaalad ah u xaliyan khilaaf kasta oo kasoo laabta doorashooyinka dhacaya ee labada Aqal.
Waxaa uu hadalkiisa uu intasi ku daray in Xubnaha guddiga ay goobjoog ka noqon doonaan Goobaha ay ka dhacayaan doorashada, isla markaana, iyaga oo raacaya shuruucda ay soo saareen Golaha wadatashiga Qarankaay xalin doonaan khilaafka yimada.