Maamulka jubaland oo bilaabay diiwaangelinta musharixiinta

0
117

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Kuleem garka ah ee Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Maanta oo Arbaco ah ka bilabatay diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya qeybta ka imaaneysa Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka Heer Maamul Goboleed ayaa diiwaangeliyay musharixii ugu horreeyay, isla markaana la siiyay Shahaadada musharaxnimo, kaasoo lagu Magacaabo Ilyaas Baddal Gaboose.

Sidoo kale waxaa socota diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka Sare, kuwaas oo lagu bilaabay 9 Xubnood oo uu shalay u gudbiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo ku tartamaya Afar kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee degaannada Jubbaland.