Taliyaha nabadsugida oo xil u magacaabay Cabaas Yacquub

0
240

Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa u magacaabay madaxa Shaqaalaha NISA Cabaas Yacquub, kadib markii dhawaan xilkaasi laga qaaday Cabdullaahi Kulane.

Cabaas Yacquub oo loo magacaabay xilka madaxa Shaqaalaha hay’adda NISA ayaa bedalaya madaxii hore ee Shaqaalaha Cabdullaahi Kulane oo uu dhawaan xilka qaadis ku sameeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Masuulkan cusub ee loo magacaabay madaxa Shaqaalaha NISA ayaa la sheegay inuu horay uga mid ahaa hogaanada sare ee hay’adda NISA, kaaso la sheegay inuu haayay xilka maamulka Maaliyada iyo Tiknoolajiyada hay’adda NISA.