Axmed Madoobe oo kulan la qaatey gudiga doorashooyinka heer federaal iyo heer maamul goboleed

0
140

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa madaxtooyada Kismaayo kulan kula qaatay madaxda guddiga hirgelinta doorashoyinka heer Fedaraal iyo heer maamul goboleed ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xubnaha labada guddi ka dhageystay marxaladaha iyo daruufaha shaqo ee ay ku guda jiraan iyo waliba sida ay u socoto dardargelinta doorashooyinka.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii looga wadashaqeyn lahaa doorasho hufan oo daahfuran in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto.