Midowga yurub oo dhimey lacagihii keyna ay ku heli jirtey kamid ahaanshaha amisom

0
195

Midowga Yurub (EU) iyo la-hawlgalayaashooda ayaa kala bar dhimay miisaaniyadda ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, ka dib markii askarta Kenya ay si qarsoodi ah uga baxeen howlgalka AMISOM.

Guddiga maaliyadda ayaa Baarlamaanka Kenya u sheegay isniinta shalay in ay Kenya ka heshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM lacag dhan 4.5 bilyan oo lacagta Kenya ah halka markii hore midowga Afrika ka heli jirtay Sh8.5 bilyan.

Go’aankaan ayaa la xiriira ka bixitaanka qeyb ka mid ah ciidamadii Kenya ee loo soo diray Soomaaliya si ay ula dagaalaamaan Alshabaab.

Baarlamanka ayaa baareya sababta Kenya ay lacag yar ugu heshay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya marka loo eego miisaaniyada.