
Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay madaxada Wadatashiga Qaran ee dalka.
Raysal wasaare Rooble ayaa habka fogaan aragga kula shiray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ku booriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada aqalka sare, maadaama shalay ay ku ekeyd xilligii loo qabtay in la bilaabo doorashada aqalka sare.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa sheegay in madaxda ay isla qaateen in la dardar geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankaan ku dhexmaray habka fogaan araga madaxda wadatashiga qaran ayaa imaanaya xili markale dib u dhac uu ku yimid doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare oo lagu waday iney shalay ka bilaabato goobaha oo asteeyay ee maamul goboleedyada dalka.