
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay waxaa lagu soo dhaweeyay guddii uu shalay u magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya ilaalinta qoondada dumarka ee 30% inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.
Warka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada Midoobay si buuxda u taageereyso in haweenka Soomaaliyeed matalaad buuxda ku yeeshaan doorashooyinka dalka ka dhacaya.
Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili shalay uu magacaabay Raysal wasaaraha Rooble guddi ka kooban 13 xubnood, kaas oo ka shaqeyn doona xaqiijinta qoondada haweenka inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka ka qabsoomaya.
