Maamulka koonfur galbeed oo magacabey gudiga doorashada aqalka sare

0
106

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Faqi ayaa maanta magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare.

Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Faqi ayaa ka kooban 11 xubnood waxayna iska dhex dooran doonaan guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Xubnahan ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Koofur Galbeed.