
Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid markii saddexaad doorashada Aqalka Sare oo Guddiga Doorashada heer federaal uu shaaciyey inay bilaaban doonto 25-ka July, 2021 oo ku beegan maanta.
Dib u dhacan ayaa la sheegay inuu ka yimid diyaar garow la’aan iyo cagajiidka maamul Goboleeyada, waxaana ugu dhow Maamulka Jubaland oo howsha Doorashada Aqalka Sare ay uga harsan tahay inuu Madaxweynaha maamulkaasi liiska Musharixiinta u gudbiyo Guddiga Doorashooyinka Jubaland.
Ilaa iyo hadda ma jiro Liiska Musharixiin oo la hayo, waxaana sidoo kale fasax ku maqan Baarlamaanka Galmudug oo aan isu imaaneynin ka hor 1-da August, mana muuqdo olole doorasho oo socda.
Arrintan waxay mugdi kale sii gelineysaa Doorashada Dadban ee Federaalka oo muddo dheer dib u dhacday, welina u muuqata mid jiitameysa.
