Ciidamo itoobiyaan ah iyo alshabab oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka bakool

0
209

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo Xubno ka tirsan aururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Waajjid ee Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin dhanka Waqooyi ee degmada Waajid, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degmada Waajid ayaa waxaa ay sheegeen in rasaasta isku adeegsanayeen labad dhinac ay soo gaareysay Xaafado ka tirsan degmada, balse aysan shaacin khasaaro dad Shacab ah kasoo gaaray dagaalka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya madaafiic ku garaaceen degaano u dhow degmada Waajid oo lagu tuhmayo inay weerarkaas , balse aan la shaacin khasaaro dad rayid ah.