
Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, ayaa soo saaray sharuudaha cabashooyinka aqalka sare, xilli maanta lagu wado in la shaaciyo guddiyada doorashooyinka iyo musharraxiinta aqalka sare.
Guddiga ayaa sheegay in ay cabashada soo gudbin karaan, musharrax kaste oo buuxiyay sharuudaha, xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo ergada dooranaysa wakiillada Soomaliland.

