Ciidamo ka wada tirsan dowlada oo maanta ku dagaalamay isgoyska ex koontarool

0
146

Iska horimaad u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Somaliya ayaa saaka ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Iska horimaadka ayaa ka dhashay muran la xiriira lacagaha baada ah qaado ee laga qaado gaadiidka laga raro isgoyskaasi xekoontarool.

Iska horimaadkan ayaa hakad ku keenay isku socodka gaadiidka isugu kala goosha Caasimadda Muqdisho iyo Gobolada Koonfurta.

Inta laga warqabo laba qof oo midi ay haweeney tahay ayaa ku dhintay iska horimaadkaasi, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacantay.