
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in tan iyo markii uu la wareegay Xafiiska Wasaaradda uu ogaaday in dadka Soomaaliyeed aysan kalsooni ku qabin hay’adaha Garsoorka Soomaaliya.
Wasiirka oo ka qeyb galay Barnaamij ka baxayay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in Hay’adaha Garsoorka dalka ay Shaqadooda tahay inay si wanaagsan ugu adeegaan Shacabka Soomaaliyeed, taasina ay qaadeen.
Sidoo kale Wasiir Jaamac waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in qof walba oo u baahan Cadaalad inay la raadinayaan, isla markaana ay baaritaano ku sameeynayaan waxkasta oo uu u baahan yahay.
Hadalka wasiirka ayaa imanaya iyada oo ay dad babdan oo soomalaiyeed ay cadaalad daro ka tabanayaan hey’adaha garsoorka taasina ay sababeyso in dadka qaarkiis si cadaalad daro ah xabsiyada loogu hayo qaarka kalana ay u cadaalad doontaan meelo kale oo aan munaasab eheyn.