
Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa bayaan kasoo saaray talaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
War qoraal ah oo kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay talaabadii uu xilka qaadista ugu sameeyay laba sarkaal oo ka tirsan hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.
Waxay sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta ugu baaqeen laamaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya iyo Shacabka in la ilaaliyo Dastuurka dalka lagana fogaado waxkasta oo dib u dhac iyo khilaaf keeni kara.

