Alshabaab oo duqeyn loogu geystey deegaanka xarardheere

0
234

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay la kulantay khasaare kale oo weyn, kaddib markii duqeyn xagga cirka ah ay ku garaacday dagaalamayaal ku sugnaa inta u dhexeeysa Qaycad iyo Xarardheere ee gobolka Mudug.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda ayaa lagu sheegay in weerarka duqaynta lagu dilay dhowr dagaalyahanno, sidoo kalena lagu burburiyay hub.

Lama sheegin tirada dhimasho ah, inkastoo bayaanka lagu xusay in la qiimeeynayo waxyeelada weerarka.