Reysulwasaare Rooble oo kulan la qaatey gudiga doorashooyinka

0
211

Raysal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan casho sharaf la qaatay guddiga doorashooyinka heer Fedaraal.

Raysal wasaare Rooble ayaa cashada sharafta kadib ka xog wareystay guddiga halka ay wax u marayaan, islamarkaana kula dardaarmay iney doorashada dalka u maamulaan si daahfuran oo cadaalad ku dheehan tahay kana fogaadaan nin jecleysi.

Guddiga doorashada ayaa dhankooda Raysal wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay caqabadaha haysta oo ay ugu horeyso ineysan haynin dhaqaalahii lagu qaban lahaa doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.