Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo maanta gaaray Warshiikh

0
289

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo lagu soo dhoweeyey.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo labaduba ah musharraxiin u taagan xilka madaxweynaha ayaa ka amba-baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa safar dhinaca dhulka ah ay ku gaareen Warsheekh oo ka tirsan HirShabelle.

Sidoo kale waxaa mas’uuliyiintan si weyn magaalada ugu soo dhoweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiintada maamulka ka jira halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynayaashii hore ee dalka ay usii gudbi doonaan dhinaca degmada Cadale oo uu haatan ku sugan yahay madaxweyne Cali Guudlaawe.