Reysulwasaaraha oo sheegay inay mareyso meel fiican xalinta khilaafaadka ka taagan xubnaha gobolada waqooyi

0
215

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay arinta gobolada Waqooyi ee Somaliland oo uu ka taagan yahay khilaaf dhaliyay in laba garab ay u kala jabaan xubnaha matalaayay gobolada Waqooyi.

Xubnaha mataalayay guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland ee u kala jabay labada garab ayaa kala taageersan Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso arinta Somaliland, islamarkaana ay socdaan wadatashiyo.

Hadalkan kasoo baxay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuuseen Rooble ayaa imaanaya iyadoo khilaaf uu ka taagan yahay arinta gobolada Waqooyi oo ay isku hayaan cidii hogaanka u qaban laheyd xubnaha gobolada Waqooyi.