Kenya oo sheegtey inay bilaabeen baaritaan la xiriirea diyaarad shaley kusoo dhacdey ceelwaaq

0
172

Maamulka Duulista Hawada ee Kenya ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaano la xiriira diyaarad ku dhacday xero militari oo ku taal magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Iyadoo ay saarnaayeen 45 rakaab ah.

Agaasimaha guud ee hay’adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA) Gilbert Kibe, ayaa sheegay diyaaradu in ay u dhoweyd xadka Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Elwak.

Diyaaradda ayaa ka ambabaxday garoonka diyaaradaha ee Wilson ee Nairobi, waxayna ku sii jeeday magaalada Mandheera ee waqooyi bari Kenya subaxnimadii Arbacada markii ay dhacdadu dhacday.