
Maamul goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay qabsoomida doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan ka dhacaya deegaanada maamulkaasi.
Wasiirka maaliyadda Jubbaland, ahna xubnin ka tirsan guddiga uu baarlamaanka u magacaabay qabsoomida doorashada Aqalka Sare xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed sheegay inay si cadaalada u dhici doonto doorashada, wuxuuna ugu baaqay musharraxiinta inay muujiyaan kalsooni gaar ah.
Xirsi ayaa sidoo kale meesha ka saaray in Jubbaland ay dooneyso inay is hortaagto qaar ka mid ah musharraxiinta, gaar ahaan kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay wel-welka laga muujinayo arrintaasi.
Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa intaasi kusii daray in iyagu ka guddi ahaan ay u sinaan doonaan xubnaha musharraxiinta ee u tartamaya ka mid ah noqoshada Aqalka Sare.
