
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Munaasabadda Maalinta koowaad ee Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciidda Carafo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo isku duubni, isagoona ku dhiirri-geliyey dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaallanka cadawga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale fariin hambalyo ah u diray shacabka Soomaaliyeed Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.
