
Golaha midowga Musharaxiinta ayaa baaq deg deg ah u diray madaxda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxayna kulankooda kasoo saareen bayaan ay ku cadeynayaan caqabadaha ku hor gudboon habsami u socodka doorashada dalka.
Golaha midowga Musharaxiinta ayaa bayaankooda ku sheegay iney wali jirto faragilin uu madaxweyne Farmaajo ku haayo hanaanka doorashada.

