
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyay guddiga xalinta khilafaadka arrimaha gobolka Gedo oo soo gabagabeeyay safarkoodii Garbahaareey.
Guddiga oo ka kooban wasiiro ka kala socda maamul Goboleedyada marka laga reebo Jubbaland, ayaa u tagay Kismaayo si ay ula kulmaan masuuliyiinta iyo madaxda Jubbaland, Odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Gedo ee ku sugan Kismaayo.
Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland uga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay ku sugnaayeen magaalada Garbahaarrey.
Guddiga ayaa Kismaayo geeyay magacyada dhowr qof oo laga doonaya in madaxweynaha Jubbaland uu usoo magacaabo maamulka Garabahaareey. Waxaana la filayaa in maalmaha soo socda si rasmi ah loo shaaciyo.