Dowlada somaliya oo ka hortimid warbixin ay soo saareen midowga africa

0
166

Dowladda Somaaliya ayaa ka hortimid warbixinta kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.

Warbixintan oo ka kooban 35 bog, ayaa sharraxaysa xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo arrimo ay sheegeen in ay ogaadeen xilligii ay qiimaynta wadeen. Inkastoo midowga afrika aanu si rasmi ah u soo saarin warbixintan.

Waxyaabaha lagu sheegay waxaa ka mid ah in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka Amisom lagu wareejiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah iyo in Soomaaliya la geeyo ciidamada Bariga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ma ay sheegin sababta ay warbixintaasi ku diiday, inkastoo warbixinta lagu sheegay waxyaabo dowladdu dhibsatay oo ay kamid yihiin, sida in aanay jirin dhismeyaal maamul oo ay dowladda leedahay, maxkamado iyo saldhigyo boolis, xarumo caafimaad, kuwo wax barasho.