
Raysal wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Jadwalka hanaanka doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ay soo saareen guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ee FEIT.
“Waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale dowlad goboleedyada dalka uga mahadceliyay dadaalkooda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen, islamarkaana ugu baaqay iney ku dhaasadaan hirgelinta qabsoomida doorashooyinka.
Gabagabadii Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay kaalintooda nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, waxuuna ugu baaqay in ay taageeraan howsha hirgelinta doorashoyinka dalka.
