
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Howlgal ka dhan ah ururka Al-shabaab ka fuliye tuulooyin hoostaga degaanka Janaale ee gobolka Shabellada Hoose, gar ahaan tuulooyinka, tuulooyin Busleey Ugunji.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 7 Xubnoodoo ka tirsan Al-shabaab
Saraakiisha waxa ay sidoo kale sheegeen in howlgalka oo saacado badan qaatay hub iyo Saanad ciidan looga furtay Al-shabaab oo ku sugnaa degaannada howlgalalda laga fuliyay.
Dhinaca kale Ciidanka Kumandooska Xoogga Soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorsheeysan kasameeyay Tuulada Caliyoow Baroow oo hoostagta degmada Walanweyn ee gobolka shabeelaha Hoose, kaas oo ka dhan ahaa Al-Shabaab.
