Gudoomiyaha aqalka sare oo eedeyn usoo jeediyey reysulwasaare Rooble

0
251

Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Rooble in aanu masuuliyad iska saarin xallinta khilaafka ka taagan doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in raysal wasaaruhu ka gaabiyay masuuliyaddii ka saarnayd habsami u socodka howlaha doorashooyinka qaran iyo inay doorashadu u dhacdo si xor iyo xallaal ah.