Reysulwasaare rooble oo kulan qadka telfoonka la qaatey reysulwasaraha dalka qadar

0
253

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Qatar, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada iyo wada shaqeynta labada Xafiis.

Rooble ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Qatar sidii ay u sii wadi laheyd taageerada dhaqaalle iyo mida horumarineed ee ay siinaysay Soomaaliya Afartii sano ee lasoo dhaafay.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in labada Ra’iisul Wasaare ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ay Qatar doonayso in ay saameyn ku yeelato.