Maamulka jubaland oo magacaabay gudiga doorashooyinka aqalka sare

0
226

Guddoonka Golaha wakiilada Maamul GoboleedkaJubbaland, ayaa maanta magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee Jubbaland.

Magacaabistaan uu Guddoonka Baarlamaanku magacaabay ayaa daba socota codsigii shalay ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland kaas oo ahaa in golaha wakiilada Jubbaland magacabaan guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka sare.

Xubnaha Guddiga la magacaabay oo ka koban 9 Xubnood ayaa waxaa ay guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland kala shaqeyn doonaan qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare,.iyada oo Xildhibaannada Aqalka ay dooranayaan Baarlamaanka Jubbaland.