Ciidamada dowlada oo howlgalo habeenkii xaley ka sameeyey degmada hodon

0
184

Ciidamo ka tirsan Booliska & Nabadsugida ayaa waxaa ay xalay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo dad badan lagu qabtay.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen dhamaan Xaafadaha degmada Hodan, waxaana Ciidamada ay joojinayeen dadka wadooyinka maraya, iyaga oo qaarkood xiray, sidoo kale howlgalka uu ahaa mid guri guri ah.

Taliyaha Booliska degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortagga cid kasta oo liddi ku ah amniga, sida Al-Shabaab iyo Kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysta.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka sidoo kale uu ahaa mid aad loogu adkeynayo amniga Caasimadda maadaama ay dhawaan bilaaban doonaan howlaha doorashooyinka, isla markaana howlgallada ay sii socon doonaan.