
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xildhibaannada ka soo jeeda gobollada woqooyi, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay uu khilaaf ka dhex-jiray.
Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble u xaqiijiyay in guud ahaan doorashada, gaar ahaanna kuraasta gobollada woqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.
Xildhibaannada ka soo jeeda gobobllada woqooyi ayaa soo dhaweeyay kulanka uu ugu yeeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roble, iyaga oo sheegay inay diyaar u yihiin in doorashada Xildhibaannada ay u dhacdo si cadaalad ah.