
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maxkamada sare ee dalka ay gali doonto cabasho kaste oo laga soo gudbiyo go’aanada ay qaataan guddiyada Doorashooyinka.
Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in ay sharci darro noqonayso in ay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ku heshiiyaan in aan maxkamad lala aadi karin dacwadaha ka dhasha doorashooyinka.
Guddoomiyaha maxkamada sare ayaa hadalkaan ka sheegay shirka arrimaha garsoorka oo ka socda magaalada Muqdisho.
Hadalka Baashe wuxuu imaanaya xilli dalka ay kusoo wajahan yihiin doorashooyin culus oo ay ka dhalan karaan cabashooyin badan.
