Waalida gudoomiyaha xisbiga Ucid oo gaartey halkii ugu sareysay

0
219

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lasoo saari doono sharci dambi ka dhigaya in gudaha Somaliland lagu sito calanka Soomaaliya.

Feysal Cali Waraabe oo ka hadlayay magaalada Boorama ayaa sidoo kale sheegay in lasoo saari doono xeer tallaabo looga qaadayo dadka jeedinaya hadallada colaada horseedi kara.

Somaliland ayaa dhowr jeer degaannadeeda waxaa ay ku xirxirtay dad xirnaa dhar laga sameeyay Calanka Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood ku jira xabsiyada, markii la xiray intii lagu guda jiray todobaadkii xooriyadda.