Madaxweynaha maamulka jubaland oo la dardaarmey gudiga doorashooyinka

0
221

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa waxaa uu kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka heer Maamul Goboleed ee Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa Xubnaha Guddiga ku booriyay in ay howsha doorashada u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.

Qaar kamid ah Xubmaha Guddiga ayaa Madaxweynaha Jubbaland waxaa ay warbixin ka siiyeen halka ay u marayaan howlaha ay wadaan iyo qorshahooda xiga.