
Waxaa howlgallo gaar ah ay ciidamada amaanka xalay ka sameeyeen xaafado ku yaala agagaarka madaxtooyada gaar ahaan kuwa katirsan degmada Warta Nabadda sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Ciidamada howlgaladan sameynayey ayaa waxaa ay baaristooda ku beegsadeen xaafadaha qaar, waxaana ay qabteen dad ay qaarkood la aadeen Xarumahooda baarista inkasta oo aanay war kasoo saarin, kuwaa oo shaki ay ka qabaan.
Baaritaankan ayaa salka ku haya Hoobiyayasha lagu weeraray habeen hore madaxtooyada iyo waliba in halkaas ay soo dagaan ciidan hubeysan oo ka socda Midowga Musharaxiinta kuwaa oo laga cabsi qabo iney dhufeys ka galaan hadii uu xaalka xumaado oo doorashada lagu murmo.
Dhanka kale Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa kordhiyay howlgalla ay ka sameynayaan Degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii ay korortay Cabashada Shacabka Caasimadda ku sugan.
