Maamulka puntlandookajawaabay edeymo ku saabsan dadka ay dilka ku xukumayaan

0
230

Puntland ayaa sheegtay dad dhawaanahaan ka cabanayay dhalinyaro lagu xukumay dil toogasho ah oo ku eedeysan falal isugu jira dil iyo qaraxyo, in ay soo adeegsadeen Alshabaab.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Noor iyo taliyaha xabsiga gobolka Mudug, gaashaanle sare Aadan Nuur Qaal, ayaa warbaahinta ka sheegay in ay dadkaasi dabada kasoo riixayaan kooxda Alshabab kuna qasbayaan in ay difaacaan dad lagu helay dambiyo cad cad oo qiraal ah.

Waxay sheegeen ujeedada laga leeyahay in ay tahay in dadka la iska horkeeno oo shaati qabiil loo galiyo dadaalka ay Puntland ku bixinayso in caddaalada la marsiiyo dambiilayaasha Shabaabka ee dadka ku layn jiray gobolka Mudug, sida ay sheegeen.

Masuuliyiinta waxay sheegeen in xabsiyada Gaalkacyo lagasii daayay dad boqolaal kor u dhaafaya oo isugu jira qabiil walba , kadib markii lagu waayay wax dambi oo ah ay geysteen.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Sanyare, wuxuu sheegay cid kaste oo isku dayda in ay Shabaab ku difaacaan shaati qabiil ay lamid yihiin iyaga islamarkaana isku si’ ula dagaalami doonaan.