Warar dheeraad ah oolaga helayo qarax maanta ka dhacay magalada muqdisho

0
153

Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxa qaraxa kaasoo la doonayay in lagu khaarajiyo Taliyaha guud ee qeybta Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud, Farxaan Qaroole.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo warbaahinta kula hadlay goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inuu qaraxa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, islamarkaana uu ka badbaaday weerarka Taliye Farxaan Qaroole oo u jeedku ahaa in lagu khaarajiyo.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ka muuqday burbur aad u xoogan oo gaaray dhismayasha ku yaala halkaasi iyo waliba kuwa xaafadaha ka agdhaw.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka qaraxa Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay iney ku dileen 4 askri oo ka tirsnaa ilaalada Taliye Farxaan Qaroole, kuna dhaawaceen 5 kale oo isla ilaalada taliyaha ka mid ahaa.