Reysulwasaare Rooble oo maanta gaaray magalada garbahaarey

0
153

Ra’sul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa ka dagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo si ballaaran loogusoo dhoweeyay.

Safarka raysal wasaaraha wuxuu ku saabsan yahay sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee dowladda Federaalka iyo Jubaland ee la xiriira maamulka gobolka Gedo oo muddo dheer soo taagnaa.

Raysal wasaare Rooble iyo guddiga dib u heshiisiin gobolka Gedo ah, ayaa Garbahaareey ka bilaabi doona dardargalinta hannaanka doorashada, madaama magaalada Garbahaarey ay kamid tahay labada magaalo ay ka dhici doonto doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka oo ay deegaan doorashadooodu tahay Jubaland.