Reysulwasaaraha oo dib ugu soo laabtay maanta magalada muqdisho

0
217

Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa 4 maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaaloyinka Kismaayo iyo Garbahaareey oo ka kala tirsan gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland.

Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa deeganada Jubbaland u tagay sidii xal waara loogu heli laha arrinta gobolka Gedo, isagoona kulama kala duwan lasoo qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada Garbahaareey iyo Kismaayo.