Wasarada kaluumeysiga oo ka jawaabtey eedeymo losoo jeediyey

0
170

Wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya ayaa dacaayad lagu suurad xumeeyo horrumarada laga sameeyey dhinaca Kalluumeysiga ku tilmaamtay warbixin kasoo baxday urur caalami ah oo daraasadeeya dambiyada abaabulan ee caalamiga ah, oo magaciisa loo gaabiyo Global Initiative.

Ururkan ayaa dhawaan daabacay daraasad laga sameeyay kalluumaysiga sharci darrada ah iyo kaalinta ay masuuliyiinta kalluumaysigu ku leeyihiin bixinta shatiyada been abuurka ah ee la siiyo maraakiibta jarriifka ku haya xeebaha Soomaaliya.