
Waxaa maanta si rasmi ah loo shaaciyay natiijada Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2020-2021 ee dugsiyada gobolka Banaadir.
Munaasabad oo aheyd mid balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo ka qeyb galay masuulyiinta ugu sareysa maamulka gobolka Banaadir
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Cumar Filish ayaa xarunta dowladda hoose Xamar kaga qeyb galay munaasabada lagu soo bandhigayay natiijada Imtixaanka shahaadiga fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banadaair iyo waliba 10 ka arday ee gashay kaalmaha ugu horeeya.

