
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa si wadajir ah u gudoomiyay shirka Golaha wasiirada Jubaland, kaasoo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo.
Shirkan waxaa ka qeybgalay xubnaha Golaha wasiirada Xukuumada Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubaland oo isku dhaf ah iyadoo ay qeyb ka tahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta wasaaradaha Xukuumada Federaalka ah iyo Jubaland.
Ra’iisul Wasaare rooble iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay golaha Wasiirada Xukuumadda iyo kuwa Jubbaland inay xoojiyan wadashaqeynta, sidoo kale ay dardar geliyaan howlaha loo igmaday.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Kismaayo ka bilaabay kulamo kala duwan, kuwaas oo ku saabsan sidii loo soo celin lahaa wadashaqeynta dowladda Soomaaliya & Maamulka Jubbaland.