Reysulwasaaraha oo maanta gaaray magalada kismaanyo

0
229

Wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa garoonka magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa.

Ujeedka safarka Raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay sidii dib u heshiin loogu sameyn lahaa khilaafka daba dheeraaday ee ka taagan gobolka Gedo, iyo waliba sidii loo dardargelin lahaa arrimaha doorashooyinka dalka.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale wararka hordhaca ah ee lagu kalsoonaan karo sheegayaan in maalinta Jimcaha uu tagi doono magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo si uu ugu kuur galo khilaafka jira.