
Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 8 dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ahaayeen shabakad katirsan Alshabaab oo dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Galkacyo gaar ahaan dhinaca Galmudug.
Maxkamadda ayaa muddo 30 cishe ah oo racfaan ah siisay xukumanayaasha, si ay u qabsadaan qareenno u dooda oo ka difaaca dambiyada ay ku mutaysteen xukunka dilka ah.
Maxkamada ciidamada Puntland, ayaa soo bandhigtay caddeymo maqal iyo muuqaal oo ay eedeesanayaashu ku qiranayeen in ay ka dambeeyaan dilal madax jebis ah iyo qaraxyo intooda badan ka dhacay Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed ee Galmudug.
Maamulka puntland ayaa inta badan lagu eedeeyaa in dilal badan ay fulineyso ku fuliso dadka kasoo jeeda koonfur somaliya gaar ahaan gobolada bay iyo bakool iyaga oo aan waxba galabsan dhawaan ayey aheyd kolkii xukun dil ah lagu fuliyey 18 dhalinyaro ah oo intooda badan kasoo jeeday goboladaas