
Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxman Aadan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Dolow ee Gobolka Gedo.
Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada Holwgelinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke, Taliyaha Ciidanka Nisa ee Gobolka Gedo Cabdi Dheere, Gudoomiyaha Degmada Dolow Cali Faarax Mire iyo Masuliyiin Kale.
Generaal Mahad ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona deegaanada gobolka gedo isaga oo kulamo la qaadan doona Saraakiisha Ciidamada Asluubta ee ku sugan Gobolka Gedo.
Safarkan ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu taliyaha ciidanka asluubta jeneraal Mahad ku yimaado gobolka gedo