Qarax maanta ka dhacay degmada dharkanleey ee magalada muqdisho

0
420

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeenleey, gar ahan meel u dhow Ex-koontorool Afgooye.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaas oo isku qarxiyay Goob laga raaco Gadiidka aada degmada Dharkeenleey, isla markaana dhagxaan ay ku xireen laamaha Amniga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in goobta qaraxa uu ka dhacay uu ku yaal Suuq lagu iibiyo Hilibka iyo Mallaayga iyo busteejo laga raro Gaadiidka dadweynaha ee aada dhinaca degmada Dharkeeneey, waxaana xilliga qaraxa uu ka dhacayay ay goobta aheyd mid mashquul badan.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca 8 kale, kuwaas oo ahaa dadkii goobta ku sugnaa, waxaana wadooyinka soo gala halka uu qaraxa ka dhacay xiray Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.