Amisom oo ka hadashay duqeymaha ay diyaaradaha kenya ka geysanayaan gobolka gedo

0
191

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa jawaab kasoo saaray bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku saabsan in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo aan kala sooc lahayn la beegsadeen dadka rayidka ee gobolka Gedo.

Duqeymahaas oo waxyeelo u geystay dad u badan carruur iyo haween ku noolaa dhul miyi ah oo katirsan Gedo.

AMISOM waxay sheegtay in ay ku howlan tahay aruurinta macluumaadka ku saabsan dhacdada la soo sheegey, iyaga oo si dhow ula shaqeyn doona Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan dhinacyada ay quseyso inta ay baareyso eedeymaha loo jeediyay ciidamada Kenya.