
Abaanduulaha Qeybta Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM Brigadier Jeff Nyagah ayaa booqday Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee la geeyay Saldhigyada kala duwan ee ku yaal Gobolka Jubbada Hoose.
Booqashada oo qaadatay labada maalmood ayaa Brigadier Nyagah wuxuu ku gaaray ciidamo fadhigoodu yahay degaannada Kolbiyow, Ras Kamboni, Kuday & Cabdale Biroole, isaga oo ku amaanay askarta dadaalkooda ay ugu adeegeen Bulshada iyo adkaysiga xaqiijinta in nabad waarta laga helo Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Brigadier Nyagah ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan inta ay ku guda jiraan howlahooda shaqo si ay uga hortagaan ugana adkaadaan khataraha ku soo food leh amniga, wuxuuna ku dhiiri geliyey Ciidamada inay sii wadaan xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada amniga ee Soomaaliyeed sida ku cad qorshaha kala guurka Soomaaliya.
Ugu dambeyn Abaanduulaha Qeybta Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM Brigadier Jeff Nyagah ayaa ugu baaqay guud ahaan Ciidamada Kenya eek u sugan Gobolada Jubbaland inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
