Maamul goboleedyada puntland iyo jubaland oo soo gudbiyey gudiyada doorashada

0
231

Maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa noqday maamuladii u horeeyay ee soo magacaabay xubnihii guddiyada doorashada, maalmo un kadib markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiskii doorashada.

Tallaabada ay qaadeen labada madaxweyne ayaa noqoneysa mid meesha ka saareysa eedeyntii Farmaajo ee aheyd in madaxda Puntland iyo Jubbaland ay diidan-yihiin in dalka uu aado doorasho.

Axmed Madoobe ayaa 1-dii bishaan Jun u gudbiyey xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta xubaha maamulka Jubbaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

Xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa tiradoodi dhameyd 12-qof oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbalanad, kuwaas oo uu sheegay inuu magacaabistooda u cuskaday la tashiyo uu sameeyey iyo fulinta heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale, Wareegto kasoo baxday 2-dii bishaan xafiiska Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa iyadana lagu magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ku meteli doona maamulka Puntland, kuwaas oo gaaraya siddeed xubnood.

Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa noqonaya maamuladii u horeeyay ee soo magacaaba xubnaha guddiyada doorashada, ayada oo ilaa hadda aysna xubnahooda soo gudbin maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.