Ciidanka asluubta oo laga qaadey xarumihii ay kaga sugnaayeen degmada xamar weyne

0
218

Dowladda ayaa ka qaaday dhammaan ciidankii Asluubta ee ku sugnaa xarumo dowladeed oo ku yaalla degmada Xamar weyne, waxaana ay ku wareejisay ciidamo boolis ah ka dib markii dhowr ay rasaaseeyeen masuuliyiin dowladeed.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamo suga ammaanka geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hormarta kawaanka malayga, Maxkamadaha, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn waxaana laga qaaday ciidankii horey u joogay.

Ciidankii Asluubta ayaa loo badalay goobo kale oo ku yaalla Muqdisho, waxana dhammaan Kontorooladaasi ilaalin doona ciidanka booliska.